Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa maanta si rasmi ah u shaaciyay inuu ka degay xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka, kadib markii uu khudbadiisa is casilaada ka hor jeediyay Baarlamaanka Golaha Shacabka.

Guddoomiye Jawaari ayaa khadubadiisa kaga hadlay arrimo dhawr ah oo ay ka mid yihiin xiisadii ka dhalatay Mooshinkii isaga laga keenay, Wax qabadkiisa mudadii uu xilkan hayay iyo kuwo kale.

Halkan Hoose ka Akhriso Hadal jeedinta Gudoomiye Jawaari.